Sharciga federalku wuxu mamnuucaya cabsi-galinta ama aargoosiga nooc kasta ah ee ku saabsan xereysasho cabasho.
Arrin kasta oo aan lug ku lahayn takooris uu sabab u yahay sinji, midab, wadan asal, cayn lab ama dhedig, da’, naafo ama heer dakhli waxa loo diri doonaa waaxda ama hay’adda haboon si loo xaliyo.
MIsu-duwaha Title VI ee Metro wuxu sameyn doonaa dedaal kasta si loo xaliyo cabashada. Isu-duwaha Title VI wuxu ballamin doonaa wareysiyo lala yeesho dadka lug ku leh arrinta si loo go’aamiyo wax-ka-qabashada la codsaday oo looga wada hadlo ikhtiyaaro xalin.Isu-duwaha Title VI waxa laga yaabaa inuu ku taliyo dhexdhexaadin dabacsan heer kasta oo ay hawshu marayso si loo xaliyo arrinta. Cabasho laga xereysto Metro ma keeni doonto soo ceshiga khasaare lacag, laakiin waxay dadka ay arrintu saameysay u saamixi doontaa inay ka wada hadlaan wixii ah arrimo iyo in la soo saaro xalal. Kiisaska qaarkood, hay’ad gobol ama federal ayaa laga yaabaa inay qaadato maamulka si loo fiiriyo ama loo baadho arrimaha.
Ikhtiyaaro xereysasho
Xiitaa haddii aad cabasho ka xereysato Metro, waxa aad wali xaq u leedahay inaad cabasho qaabeysan ka xereysatid hay’adaha dawladda ee kale oo aad raadsatid qareen ama looyar kuu noqda wakiil. Waxa aad cabasho ah Title VI ka xereysan kartaa:
- Isu-duwaha Title VI ee Metro
- Wasaaradda Gaadiidka ee Oregon Xafiiska Xuquuqda Madaniga (Oregon Department of Transportation Office of Civil Rights)
- Maamulka Jidweynaha ee Federalka (Federal Highway Administration) ama Maamulaha Gaadiidka Dadweynaha ee Federalka (Federal Transit Administration)
- Wasaaradda Gaadiidka ee Maraykanka (U.S. Department of Transportation)
- Wasaaradda Cadaaladda ee Maraykanka (U.S. Department of Justice).
Habdhaqanada Metro
Xad wakhti. Waa in qofku cabasho ku xereystaa gudaha mudo aan dhaafsanayn 180 maalmo taariikheed ka dib labadan mid taariikhda falka takoorista ee la sheegay ama taariikhda qofku (dadku) ay ogaadeen takoorista la sheegay.
Shuruudo cabasho. Waa in cabashooyinku:
- yihiin qoraal oo uu saxeexay ama xaqiijiyay qofka xereysanaya cabashada
- uu ku jiro taariikhda falka takooris ee la sheegay (taariikhda qofku (dadku) ogaaday takoorista la sheegay, taariikhda la joojiyay falka, ama taariikhda dhacdadii ugu dambeysay ee falka)
- ay cabashooyinku bixinayaan sharaxaad faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha, oo ay ku jiraan magacyada iyo jagooyinka shaqo ee shakhsiyaadka loo arkay inay ku jireen dhacdada.
Gudbin cabasho. U soo gudbi:
- foom ama warqad web
- iimayl ahaan [email protected]
- faakis ahaan 503-797-1797
- boostada ama loo keeno: Title VI Coordinator, Metro, 600 NE Grand Ave., Portland, OR 97232
- teleefonka ah 503-797-1890 | 503-797-1804 TDD
- ama qof ahaan keen 600 NE Grand Ave., Portland.
Cabashooyinka lagu soo diro iimayl ama faakis waxa taariikh helitaan looga dhigi doonaa taariikhda xereynta, laakiin waa in sidoo kale la helo koobi leh saxeex asal ah si loo bilaabo ka shaqeynta. Cabashooyinka af ama hadal ahaan lagu gudbiyo, taasoo ah qof ahaan ama teleefonka, waxa taariikh helitaan looga dhigi doonaa taariikhda xereynta. Cabashooyinka waa la qori doonaa waxana la siin doonaa cabasho-keenaha si uu ugu sameeyo naqtiin ama xaqiijin iyo saxeexid ama cadeyn ka hor ka shaqeynta.
Tuurid cabasho. Waxa dhici karta in Isu-duwaha Title VI uu tuuro cabasho baadhis la’aan haddii:
- aan cabashada lagu xereysan gudaha xadka wakhti ee 180 maalmood
- cabashada dib looga noqdo
- cabasho-keenuhu uu ka baaqdo inuu keeno macluumaad la rabo ka dib codsasho celcelis ah
- cabasho-keenuhu yahay qof qarsoon ama qofka cabashada xereystay la waayo meel uu joogo ka dib isku-dayid caqli-gal ah.
Fiirin cabasho. Marka la helo cabashada, Isu-duwaha Title VI wuxu hubin doonaa in cabashada ay ku jiraan dhammaan macluumaadka lagama-maarmaanka ah, ay tahay mid wakhti ku timid, oo ka dhacday aagga maamulis ee Metro. Isu-duwaha Title VI wuxu cabashooyinka ku saabsan Metro u gudbin karaa Wasaaradda Gaadiidka ee Oregon Xafiiska Xuquuqda Madaniga si loo soo baadho. Isu-duwaha Title VI wuxu fiirin doonaa cabashada si loo go’aamiyo inay ku jiraan dhammaan macluumaadka lagama-maarmaan ah ee loo rabo aqbalaad, caadi ahaan gudaha 5 maalmo taariikheed laga bilaabo helitaanka. Haddii cabashadu aanay dhammeystirnayn, Isu-duwaha Title VI wuxu la xidhiidhi doonaa qofka xereystay cabashada si loo helo macluumaad dheeraad ah. Qofka xereystay cabashada waxa la siin doonaa 10 maalmo taariikheed oo uu kaga soo jawaabo codsiga macluumaad dheeraad ah.
Ogeysiin baadhis. Ka dib marka la go’aamiyo in Metro aqbali doonto in la baadho cabashada, Isu-duwaha Title VI wuxu:
- siin doonaa lambar kiis oo uu diiwaangalin doonaa cabashada, salkeeda, waxyeelada la sheegay iyo sinjiga, midabka, wadan asal, naafo, da’da iyo caynka lab ama dhedig, ee cabasho-keenaha, taasoo ah sida haboon
- uu warqad ogeysiin ah iyo foom oggolaansho u diri doonaa cabasho-keenaha
- haddii Metro aanay ahayn cidda laga cabanayo, wuxu warqad ogeysiin ah u diri doonaa qofka, shirkadda ama hay’adda arrintu khuseyso
- Cidda laga cabanayo waxay haysataa 10 maalmo taariikheed oo ay qoraal ahaan kaga soo jawaabaan eedeynta.
- wuxu baadhi doonaa cabashada isaga oo iskaashi la sameynaya Xafiiska Qareenka Metro iyo Sarkaalka Koowaad ee Hawlgalinta Metro.
Xalin iyo ogeysiin. Metro waxay isku daydaa inay dhammeystirto dhammaan cabashooyinka Title VI gudaha 60 maalmo taariikheed laga bilaabo helitaanka cabashada. Marka la dhammeeyo baadhista, waxay Metro:
- ay dhinacyada ogeysiin doontaa natiijooyinka baadhista
- ay warbixinta baadhista ee kama-dambeysta ah iyo koobi ah cabashada u gudbin doontaa Wasaaradda Gaadiidka ee Oregon, Maamulka Jidweynaha ee Federalka ama Maamulka Gaadiidka Dadweynaha ee Federalka, taasoo ah hadba sida haboon.